Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan.
Waxaa wafdiga madaxa wasiirrada dalka ee ku sugan magaalada Baku ka mid ah, wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale, dhigiisa tamarta Opiyo Wandayi, wasiiradda dhulalka Alice Wahome iyo dhigeeda adeegga dadweynaha Justin Muturi.
Mudavadi ayaa isagoo matalaya madaxweyne William Ruto uu magaalada Baku uga qayb galaya shirka qaramada midoobay ee looga arrinsanaya saameynta isbeddelka cimillada ee (COP29).
Waxaa uu sheegay in Kenya ay shirkaasi ku soo bandhigi doonta farrinteeda ah u ololeynta sidii loo gaari lahaa go’aamo adag oo looga hortagaya wasakheynta deegaanka.
Mudavadi ayaa xusay in Kenya ay aad u daneynaysa in kuwa deegaanka wasakheeya ay bixiyaan qarashaadka ugu badan ee isbeddelka cimillada.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa intaasi ku daray in walaaca uu hadda yahay sidii loo heli lahaa in kuwa wasakheeya deegaanka ay aqbalaan mas’uuliyadda ah in bixiyaan kharashaadka ugu badan ee lagu maareynayo wasakheynta si looga hortaggo waxyeellada caafimaadka aadanaha iyo deegaanka.
In ka badan 60 kun wufuud ah ayaa ka qayb galaya shirkan oo maanta ka billowday garoonka olombikada ee magaalada Baku.