DHAGEYSO:Kenyaanka oo lagu boorriyay in ay iska diiwaangeliyaan caymiska SHA

0
272

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr.Deborah Barasa ayaa sheegtay in uu shaqeynaya caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ee lagu beddelay nidaamkii hore ee NHIF.
Xilli ay maanta munaasabad kaniiseed uga qayb gashay ismaamulka Kakamega ayay Barasa hoosta ka xarriiqday in ay booqatay isbitaallo dhowr ah oo uu ka mid yahay isbitaalka qaran ee Kenyatta .
Waxay intaasi ku dartay in ay xaqiijisay in caymiskan uu bukaanno badan u fududeeyay in ay helaan daryeel caafimaad sida sifeynta kilyaha.
Dadweynaha ayay kula talisay in aynan marin habaabin waxyaabaha laga tabinaya nidaamka oo ay is diiwaangeliyaan si shakhsi ahna ay u ogaadaan faa’iidada uu u leeyahay.