Rag hubeysan oo la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa xoolaha dhaca ayaa toogasho ku dilay saddex ruux.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulo ku taalla dowlad deegaanka Isiolo.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in ay labo weerar dhaceen oo sidoo kale lagu dhaawacay 5 qof oo dheeraad ah.
Weerarkii ugu horreeyay ayaa shalay subax laga soo tabiyay aagga Bojidare halkaasi oo burcad hubeysan oo aan tiradoodu la cayimin ay labo qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen iyadoo la baxsaday xoolo isugu jiro ari iyo lo’ oo gaaraya 300 oo neef.
Koox ka mid ah ciidamada booliiska oo falkaasi ka falceliyay ayaa dib u soo helay xoolihii la dhacay.
Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Gilbert Masengeli ayaa sheegay in saddex qof oo kale la dhaawacay oo hadda lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Waxaa uu intaasi ku daray in la howlgeliyay saraakiil dheeraad ah si gacanta loogu soo dhigo dableyda dhibaatooyinkaasi gaysatay.
Sidoo kale, aagga loo yaqaano Hola Bule ayay burcad hal qof ku dishay waxayna kala baxsatay 19 neef oo lo’ ah.
Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan booliiska kaydka.
Laamaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay dib u soo heleen lo’dii halkaasi laga dhacay.
Dhanka kale, aagga Waso ee ismaamulka Samburu ayaa waxa lagu dilay labo qof oo burcadnimo lagu tuhmay.
Howlgalka ay fuliyeen ciidamada ammaanka ayay ku soo heleen 211 neef oo lo’ ah.
Dhaca xoolaha ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee dhanka amniga ee saameeyay qaybaha Waqooyiga Rift Valley, Marsabit ,Isiolo iyo Meru.