DHAGEYSO:Gachagua oo ku baaqay in la sii wado dagaalkii ka dhanka ahaa daroogada

0
245

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dowladda ka codsaday in ay sii wado ololihii ka dhanka ahaa isticmaalka maandooriyaha uu ka midka yahay khamriga sharci darrada ka ah gudaha Kenya.
Waxaa uu sheegay in labadii sano ee uu xilka hayay inuu balwaddan si wayn ula dagaallamay.
Gachagua ayaa xilli uu munaasabad kaniiseed kaga qayb galay xaafadda Kahawa West ee ismaamulka Nairobi sheegay in adeegsiga daroogada uu burburinaya nolosha dhallinyarada oo ah hoggaamiyaasha mustaqbalka.
Waxaa uu dhanka kale xusay in aynan jirin cid uu wax xumaato ah u qabo balse uu keliya doonaya in qaranka uu nabad ahaado.

Xaaskiisa , Dorcas Rigathi ayaa dhankeeda sheegtay in ay dhaqan celin u sameeyeen 1,200 oo dhallinyaro ah welina ay howshaasi socoto.