DHAGEYSO:Kalonzo oo doonayaa in taliyaha guud booliiska daka uu xal u helo kiisaska afduubka iyo dilalka sharci darrada ah

0
177

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper kana mid ah xubnaha mucaaradka Kalonzo Musyoka ayaa ka codsaday taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja inuu xal u helo kiisaska la xiriira afduubka iyo dilalka sharci darrada ah.
Waxaa uu ugu baaqay laamaaha ammaanka inay ka hortagaan falalka noocan ah.
Madaxa xisbiga Wiper ayaa sheegay in xaaladda taagan ay cabsi ku abuureyso shacabka kenyaanka ah.
Kalonzo ayaa hadalkan ka jeediyay deegaanka Luanda ee ismaamulka Vihiga, halkaas oo uu uga qayb galay aaska aabaha guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Kenneth Marende.