Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 3 qof oo ku eedeysan ka ganacsiga nooca maandooriyaha ee xashiishka.
Waxaa mid ka mid ah saddexda eedeysane uu yahay sarkaal booliis ah.
Tuhmanayaasha ayaa laga soo qabtay deegaanka Karai ee magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Saddex tuhmane ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo oo marayay waddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi.
Saraakiisha booliiska oo xogo helay, ayaa joojiyay laba gaari oo siday 50 kiilogaraam oo ah maandooriyaha xashiishka kaas oo lagu soo qariyay jawaano.
Tuhmanayaasha la xiray ayaa kala ah Wycliffe Omwenga Mokaya, Allan Machogu Nyarundia iyo Kebeno Aminga Duke, oo ah sarkaal booliis ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (GSU) oo uu fadhigiisu yahay ismaamulka Mombasa.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Muthaiga ee ismaamulka Nairobi, iyagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.