Waxaa xalay saqdii dhexe xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi lagu dilay wiil soomaaliyeed.
Rag watay mooto oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa toogasho ku dilay ka dibna ay taleefoonka ka qaateen wiilka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim.
Xilligii wiilkan dhallinyarada ah la dilayay waxaa uu hor taagnaa albaabka laga galo dabaqa ama dhismaha DD Plaza ee ku yaalla waddada 12-aad ee xaafadda Islii .
Albaabka lagu hor dilay wiilka soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqday rasaas iyo dhiig taas oo walaac ku abuurtay dadkii ka ag dhawaa goobta wiilka lagu dilay.
Laamaha ammaanka ayaa dhacdadan baaritaan ku wada iyadoo lagu raadjooga dablaydii dilka gaysatay.
Muddooyiinkii la soo dhaafay, xaafadda Islii waxaa ku soo badanayay dilalka sharci darrada ah taasi oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.