Eedeysane kale oo loo xiray dilkii madaxii shaqaalaha ee Wells Fargo

0
524

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedeysane kale ee lala xiriirinaya dilkii loo gaystay madaxii shaqaaleysiinta ee shirkadda gaarka ah ee bixisa adeegyada amniga ee Wells Fargo, Willis Ayieko.
Tuhmanaha oo lagu magacaabo Duncan Onyango, oo loo yaqaan Otuch, ayaa laga soo qabtay goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla degmada Bondo ee ismaamulka Siaya.
Dambi baarayaasha kiiskan gacanta ku haya ayaa xog ay ka heleen eedeysane kale oo horraan falkan loo xiray, ayaa sheegay in guriga Duncan Onyango uu yahay goobta lagu dilay Willis Ayieko.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka Ayieko laga soo saaray meel wax ka yar 400 mitir u jirta guriga eedeysanaha oo ku yaalla tuulada Luanda Doho ee deegaanka bariga Kisa, ee ismaamulka Kakamega.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa xustay in baaritaannada ay weli socdaan, iyadoo dhinacyo badan laga eegaya sababihii keenay in la afduubay ka dibna la dilay madaxii shaqaaleysiinta ee shirkadda Wells Fargo.