Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka siidaysay maxaabiis , kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadda ciidda awgeed.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga dhexe iyo Xabsiga MBC kasii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo kala duwan.
Xeeri laaliyaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maxaabiista maanta laga siidayay xabsiga ay ku eedeysanaayeen dambiyo kala duwan laakiin fudfud.
Waxaa uu tilmaamay in maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen in la baray waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta.