Saraakiisha dambi baarista ee gacanta ku haya baaritaannada ku aadan qof meydkiisa 31-dii bishii hore laga helay qubuuraha Lang’ata ee ismaamulka Nairobi, islamarkaana maqaarka laga fiiqay oo ay kaliya lafaha jirkiisa ay muuqdeen la xiriirisay Hashim Dhaqane Muxumad.
Waxaa ay saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee rumeysan yihiin in dilka meydka la helay uu ka dambeeya Haashim Dhaqane Muxumad oo ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah.
Bayaan maanta ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa lagu sheegay in eedeysanaha sidoo kale lagu tuhmahaya inuu dilay gabadh soomaali ah oo magaceeda lagu sheegay Deeqa Cabdinuur Qorane oo la waayay 24-kii bishii hore islamarkaana warbixin ku aadan maqnaanshaheeda loo gudbiyay saldhigga booliiska Carlifornia ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Waxaa bayaanka DCI-da ku cad in saraakiisha dambi baarista ay kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ka dhex arkeen in 29-kii bishii hore ay Deeqa wax ka iibsatay suuqa laga dukaameysto ee Quickmart Supermarket.
Baarayaasha ayaa xaqiijiyay in ka dib ay deeqa tagtay guri ku yaalla xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi, halkaasoo mar kale ay kaameerada CCTV qabatay iyadoo dhismahaasi galeysa.
Dambi baarayaasha ayaa ogaaday in Deeqa Cabdinuur Qorane uu la socday Haashim Dhaqane Muxumad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 31-dii bishii hore kaameerada CCTV laga dhex arkay isagoo sita labo boorsad islamarkaana uu ka sii baxaya dhismahaasi.
Baarayaasha ayaa tuhunsan in boorsooyinkaasi ay ku jireen meyd dhawaan laga helay qubuuraha Lang’ata ee ismaamulka Nairobi, islamarkaana loo maleynaya inay tahay Deeqa Cabdinuur Qorane oo la waayay bishii hore.
Waxaa haatan socda baaritaano lagu xaqiijinaya arrintan.