Homa Bay oo qorsheynaysa in hal milyan oo qof laga diiwaangeliyo caymiska SHA

0
118

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Homa Bay Moses Lilan ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan sidii 10-ka cishe ee nagu soo aaddan gudaheeda hannaanka caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA looga diiwaangelin lahaa hal milyan oo ruux.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ismaamulkaasi ay ku nool yihiin qiyaastii 1.3 milyan balse ilaa iyo hadda dadka iska diiwaangeliyay caymiskan ay tiradoodu tahay keliya 119,000 qof.
Guddoomiyaha ayaa xusay in ay dejiyeen qorsho dhameystiran oo ay tani ku suurtageli karto.
Waxaa uu tilmaamay in geeddisocodkan laga qayb gelin doono waaxyo kala duwan iyo shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya daryeelka bulshada ee (CHWs) oo ku wareegi doono tuulooyinka Homa Bay.
Dhanka kale , waxaa uu sheegay in ay jiraan 33,000 oo ah aqoonsiyo qaran oo aynan weli qaadan dadkii codsaday.
Barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa dhankeeda difaacday caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA oo ay ku tilmaantay mid xaqiijinaya in qof kasta oo kenyaan ah uu helo daryeel caafimaad.
Waxay intaasi ku dartay in lacago dheeraad ah loo qoondeyn doono isbitaallada dowladda si shacabka ay u helaan adeegyo tayo leh.