Tuhmaneyaal iska dhigayay xoghayaha arrimaha gudaha oo xabsiga lagu sii hayn doono

0
202

Maxkamadda dalka ayaa waaxda dambi baarista ee DCI-da u oggolaatay in ay xabsiga ku sii jiraan labo qof oo ku eedeysan in ay iska dhigayeen xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Raymond Omollo.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Denis Kipchumba iyo Pikei Winstone.
Waxaa loo haystaa in ay fureen bar WhatsApp ah iyagoo dadweynaha lacago uga qaadanayay in ay ka caawin karaan sidii ay shaqooyin ku heli lahaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in bartan uu ka muuqday sawirka xoghayaha .
Fal dambiyeedkan ayaa la gaystay bishii hore.
Booliiska ayaa maxkamadda u sheegay in baaritaano ay sameeyeen ka dib ay soo heleen taleefoonnada gacanta iyo 18 ah leemanka lagu isticmaalo taleefoonnada.
Eedeysanayaasha ayaa ku jiri doono saldhigga booliiska ee Capital Hill waxaana maxkamadda dib loogu celinaya 8-da bishan.