Doorashooyinka hoose ee xisbiga ODM oo la qaban doono 27-ka bishan

0
175

Waxaa uu qorshuhu yahay in 27-ka bishan ay qabsoomaan doorashooyinka ismaamullada ee xisbiga ODM.
Guddiga qaran ee isku dubaridka arrimaha doorashooyinka ee xisbiga (NECC) ayaa xubnihiisa ku wargeliyay in codeynta ay ka dhici doonto goobaha codbixinta ee dhammaan dowlad deegaannada waddanka.
Guddoomiyaha guddigan Emily Awita ayaa shaacisay in goob kasta loogu codeyn doono ilaa 30 ka mid ah saraakiisha xisbiga.
Shakhsiyaadka la soo dooran doono waxaa ka mid ah guddoomiye , guddoomiye ku xigeen, xoghaye , xoghayaha dhanka abaabulka ,qasnad-hayaha , hoggaamiyaha haweenka, hoggaamiyaha dhallinyarada iyo saddex xubnood oo kale.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii xisbiga ODM uu dib u dhigay doorashooyinkan roobab culus oo ka da’ay qaybo badan oo waddanka ka mid ah awgood.