Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa iska kaashanaya hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dalka laga fulinaya si loo xaqiijiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada waddan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay aad u daneyneyso in ay ka faa’iideysato mashaariicda horumarineed, si kor loogu qaado horumarka wax ka beddelka iyo yareynta saboolnimada.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka sheegay xilli uu maanta aqalka madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay Li Xi oo xubin sare ka ah xisbiga haya talada jamhuuriyadda Shiinaha ee (CPC).
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerrada mashaariicda horumarineed ee uu dalka ka fuliya, sida, qalabaynta kulliyadaha farsamada iyo mashruuca biyo xireennada.
Waxaa uu ku ammaanay Shiinaha kaalintooda shaqada ee ka socota garoonka Jamhuri ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu wado inuu martigeliyo tartanka kubadda cagta ee waddamada qaaradda Afrika ee AFCON ee sanadka 2027-ka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ganacsiga gaarka ee shirkadaha Shiinaha laga leeyahay islamarkaana ay maalgashadaan tamarta dib loo cusboonaysiin karo, elektaroonigga ah, wax soo saarka, caafimaadka iyo beeraha.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay Shiinaha inay fududeeyaan iskaashiga Kenya iyo guddiyada ganacsatada ee labada dal.
Madaxweyne Ruto ayaa ka codsaday Shiinaha inuu taageerro dadaalka Kenya ay ugu jirto ku biirista dalalka ku mideysan dalladda loo yaqaano BRICS.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay sii wadi doonto taageerada Shiinaha ee dadaallada nabadda iyo amniga ee waddamada Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee (DRC).
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Shiinaha inay taageeraan dib u habeynta hay’adaha Midowga Afrika, oo ay ku jiraan guddiga AU iyo maxkamadda cadaaladda ee Afrika.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in Kenya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan dib u habeynta hay’adaha kala duwan oo ay ku jiraan golaha ammaanka ee qaramada midoobay iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah sida Bangiga Adduunka iyo IMF.
Dhankiisa, Mr Li ayaa sheegay in Shiinaha ay ka go’an tahay fulinta heshiisyadii ay wada gaareen hoggaamiyaasha labada dal intii uu socday shirweynaha iskaahsiga Shiinaha iyo dalalka Afrika ee (FOCAC).
Waxaa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu Kenya kala shaqayn doona taageeridda barnaamijyada iyo mashaariicda waafaqsan Hiigsiga 2030-ka.
Mr Li ayaa carrabka ku adkeeyay taageerada Shiinaha ee Kenya ee dhinacyada horumarka sida bixinta waxbarasho, daryeel caafimaad oo tayo leh, shaqo abuurka iyo ilaalinta deegaanka.