Booliiska oo sheegay in hal qof lagu dilay Samburu

0
235

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in weerar abaare 3-dii galabnimo ee shalay ka dhacay aagga Noltipo ee ismaamulka Samburu uu ku dhintay hal qof.
Waxaa weerarkaasi gaystay burcad looga shakiyay in ay ka soo gudbeen dhanka Turkana oo la baxsaday 100 neef oo ari ah.
Booliiska ayaan cayimin tirada burcadda ee falkaasi ka dambeysay.
Laamaha ammaanka oo dhacdadaasi ka falceliyay ayaa xusay in ay dib u soo celiyeen xoolihii la dhacay.
Tuhmanaha toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabaa Ntinigwa Lepatoye.
Ciidamada ayaa kordhiyay roondooyinka ay aaggaasi ka sameynayaan si looga hor tago shaqaaqo dheeraad ah.