Waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Uasin Gishu loo magacaabay Evans Kipruto Kapkea.
Tani ayaa timid ka dib go’aankii maxkamadda ka soo baxay 14-kii bishii hore.
Garsooraha maxkamadda sare laanteeda magaalada Eldoret Reuben Nyakundi ayaa xilligaasi guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) iyo barasaabka dowlad deegaanka Uasin Gishu Jonathan Bii ku amray in ay wargeyska rasmiga ku soo daabacaan in Kapkea loo magacaabay barasaab ku xigeenka ismaamulkaasi.
Waxaa uu Kapkea beddelaya John Kibet Barorot oo is casilay bishii Sideedaad ee sanadkan ka dib markii uu shaqo ka helay shirkad caalami ah.