Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in iyadoo maamulkiisa uu kaashanaya wakiilka haweenka ee caasimadda dalka Esther Passaris, uu hirgelinaya hooy ay ku badbaadi karaan dhibbanayaasha lagula kaco tacaddiga jinsiyadeed.
Sakaja ayaa xusay in xarun goobahan ka mid ah laga hirgeliyay xaafadda Gigiri.
Waxaa uu haweenka ku boorriyay in aynan ka caga jiidin in ay caawimaad raadsadaan marka lagu xadgudbo.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris ayaa dhankeeda dowladda ku boorrisay in ay qayb gaar ah oo ka tirsan booliiska u xil saarto xaqiijinta in tallaabo sharciyeed laga qaado shakhsiyaadka gaysta falalka dilka ah ee lagu bartilmaameedsado dumarka iyo gabdhaha yaryar oo waayadan dambe ku soo kordhay gudaha dalka.
Waxay ragga kula talisay in ay u istaagaan badbaadinta haweenka.