Eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii haweenka soomaaliyeed ee Islii oo maanta maxkamad la soo taagaya

0
412

Haashim Dhaqane Muxumad oo lala xiriirinaya dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah ayaa maanta ka soo hormuuqan doona maxkamadda Makadara.
Shalay ayay markiii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay xaqiijisay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanahan.
Tani ayaa timid ka dib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay dhacdadaasi naxdinta leh iyo dabagal lagu hayay tuhmanaha.
Haashim oo laga soo saaray goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla deegaanka Starehe ee ismaamulka Nairobi ayaa hadda ku jiro saldhig booliis.