DHAGEYSO:Wasiirka difaaca Soomaaliya oo sheegay in wakhti dhow uu jab culus oo lama filaan ah ku dhici doono Al-Shabaab

0
416

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Jaamac) ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada xorreynta ee socda, islamarkaana ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabad xarigga looga jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guullo waaweyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, welina uu sii socdo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.
Waxaa uu tilmaamay in howlgallada ay sii socon doonaan, isaga oo sheegay in waktti dhow uu jab culus oo lama filaan ah ku dhici doono Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannada Al-Shabaab, isagoona ugu baaqay inay ka fogaadaan aaggooda.
Duqeymaha ayuu sidoo kale tilmaamay inay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay sida uu hadalka u dhigay in lagu naafeeyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Itoobiya ay dhulka Soomaaliya damacdo.