Xisbiga DAP-K oo shaaciyay inuu ka baxay isbeheysiga Azimio

0
318

Xisbiga (DAP-K) ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iskaga baxay isbeheysiga mucaaradka ee Azimo La Umoja-One Kenya.
Waxaa sidatan sheegay hoggaamiyaha xisbiga ,Eugene Wamalwa ka dib kulan uu golaha qaran ee fulinta ku yeeshay magaalada Webuye.
Wamalwa ayaa go’aanka ay qaateen u aaneeyay in qaar ka mid ah madaxda Azimio ay maamulka talada waddanka haya kala shaqeynayaan meel marinta hindise sharciyeedyo iyo barnaamijyo aynan dadweynaha la dhacsanayn.
Eugene ayaa tilmaamay in iyaga iyo shakhsiyaadka taageersan in canshuur dheeraad ah la soo rogo aynan isku aragti ahayn sidaasi awgeedna uunan kala sii dhaxeyn karin iskaashi siyaasadeed.
Waxaa uu maamulka Kenya Kwanza si gaar ah ugu dhaliilay xil ka qaadistii Rigathi Gachagua oo ahaa madaxweyne ku xigeen.
Xisbiga DAP-K ayaa xusay inuu 47-da ismaamul ee dalka ka billaabi doono diiwaangelinta xubno cusub.
Waxaa uu qorshuhu yahay in xilliga doorashada guud ee xigta ee sanadka 2027-da ay jiraan musharraxiin u tartamaya xilalka wakiillada deegaannada hoose ilaa iyo madaxweynaha oo adeegsanaya tikeedhka xisbiga DAP-K.
Sidoo kale , golaha fulinta ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbigan loo doortay Eugene Wamalwa.