Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha gobolka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Prof. Kithure Kindiki inay u horseedaan qaranka horumar iyo nabad waarta.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen in mashariicda horumarineed ee la hakiyay dib loo billaabo gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Kithure Kindiki.