DHAGEYSO:Eugene Wamalwa oo madaxweynaha ugu baaqay inuu oofiyo ballanqaadyadii siyaasadeed

0
236

Madaxa xisbiga DAP-K kana mid ah mas’uuliyiinta mucaaradka ee dalka Eugene Wamalwa ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu oofiyo waxyaabihii uu kenyaanka u ballan qaaday xilligii ololaha doorashada ee sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aynan marnaba oggolaan doonin in la adeegsado hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Wamalwa oo uu arrintan ku taageeray xildhibaanka deegaanka Saboti ,Caleb Amisi Luyai ayaa sheegay in aynan aqbali karin in la sameeyo canshuur kordhin dheeraad ah.