Booliiska oo labo burcad ah ku toogtay Nairobi

0
286

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ciidamada ka howlgalo saldhigga booliiska ee Kilimani ee ismaamulka Nairobi ay saaka toogasho ku dileen labo qof oo burcad ah .
Waxay saraakiisha howlgalkaasi ku soo heleen hub, baangad, taleefoonnada caganta iyo mooto ay taargadeedu tahay KMGB 965W.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in booliiska ay roondo ka sameynayeen agagaarka waddada Tigoni meel u dhow suuqa laga dukaameysto ee Naivas halkaasi oo ay burcadda kula kulmeen.
Ciidamada ayaa ku raadjoogo qof saddexaad oo burcadda ka mid ahaa oo baxsaday isagoo dhaawac ah.
Laamaha ammanka ee xaafadda Kilimani ee dowlad deegaanka Nairobi ayaa sare u qaaday roondooyinka waxayna shacabka ugu baaqeen in ay si dhow ula shaqeeyaan.

https://x.com/DCI_Kenya/status/1852943520950288420