In ka badan shan kun oo qof oo ku nool tuulada Koyasa ee deegaanka hoose ee Kibish ee Waqooyiga ismaamulka Turkana ayaa muddo shan bilood ah aanan helin adeegyo caafimaad.
Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii shaqaalihii caafimaadka ee halkaasi adeegyada ka bixinayay la wareejiyay.
Dadka deegaanka ayaa haatan ku tirsan adeegyo caafimaad ee uu bixiyo shakhsi si iskiis ah uga shaqeeya daryeelka caafimaad ee CHP kaas oo ah arday soo dhameeyay fasalka afaraad ee dugsiga sare.