Saraakiisha booliiska ayaa billaabay baaritaanno ku aadan dilka qof meydkiisa laga helay qubuuraha Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka la helay maqaarka laga fiiqay islamarkaana kaliya lafaha jirkiisa ay muuqdeen.
Booliiska ayaa qoysaska ay dadkooda ka maqan yihiin ka codsaday inay soo baxaan si dhacaano looga qaado.
Goobjoogayaasha dhacdadan arkay ayaa warbaahinta u warramay.