Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal khasaare gaystay oo maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed oo beegsaday ciidamo booliis ah oo howlgal wado furis ah waday.
Waxaa uu sheegay in layaab ay ku noqotay in askar isugu jirta qaybaha kala duwan ee ciidamada in sanadkan 2024 u dagaalamaan reer ahaan ama qabiil,
Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa xusay in dhacdada maanta loo soo xiray 12 ruux.
Hadalkan ka soo yeeray afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, ka dib dagaal la sheegay inay ku dhinteen laba ruux, islamarkaana ku dhaawacmeen 5 qof oo kale oo maanta ka dhacay xaafad ku taalla agagaarka Isgoyska Ex kontarool Afgooye.