Guddiga aqalka sare ee arrimaha sharciga ayaa meesha ka saaray hindise sharciyeedka ee wax ka beddelka dastuurka.
Hindisahan ayaa ku saabsan in muddo xileedka loo kordhiyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee la soo doorto.
Guddiga aqalka sare ee sharciga ayaa sheegay in boqolkiiba 99 ee Kenyaanka aragtidooda soo gudbiyay ay ka soo horjeesteen hindisahan.
Waxaa hindise sharciyeedkan horraan soo saaray senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei.
Samson Cherargei ayaa doonayay in muddo xileedka hoggaamiyaashan oo hadda ah shan sano in laga dhigo toddobo sano.