Maxkamad Puntland ku taalla oo xukun ki riday rag Shabaab ka tirsanaa

0
730

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Xubnahaan oo gaaraya ilaa 5 Rag ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa ku heshay dembi ah 5-ta ruux inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay Gaalkacyo 13-kii sano ee dambeeyay.
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Maanta soo gaba-geeysay dhageysiga kiiska loo heysto eedeysanayaashan ayaa ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana sidaas Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaga Maxkamadda.
Ugu dambeyn Maxkamadda waxay xorriyadooda u soo celisay lix qof oo kale, kuwaasoo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii horey looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.