Prof. Kithure Kindiki oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay jagada madaxweyne ku xigeenka Kenya oo uu u soo magacaabay hoggaamiyaha waddanka William Ruto.
Madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka Winfridah Boyani Mokaya ayaa Kindiki ku dhaarisay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Kithure Kindiki ayaa wax yar un ka dib abaare 11-kii barqonnimo ku dhaartay inuu si daacad ah u gudan doono waajibaadkiisa shaqo ee madaxweyne ku xigeenka dalka.