Goob ay daawooyin ku keydsanayeen oo lagu burburiyay Qaza

0
339

Weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay isbitaalka Kamal Adwan ee ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza ayaa waxaa lagu burburiyay bakhaar daawooyin ay ku jireen.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii daawooyinkaasi la guddoomay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka waddo Qaza waxaa ku nafwaayay in ka badan 43,163 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 101,510 kale.