Xildhibaankii hore ee deegaanka Kimilili oo geeriyooday

0
345

Waxaa geeriyooday Suleiman Kasuti Murunga oo horay u soo noqday xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma.
Mudanaha hadda xilka haya ee deegaan baarlamaaneedkaasi Didmus Barasa ayaa xaqiijiyay geerida Murunga wuxuuna tacsi u diray qoyskii uu ka baxay.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula oo sheegay in Suleiman Murunga uu si wayn ugu adeegi jiray dadkiisa.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi door muhiim ah ka qaadan jiray arrimaha doorashooyinka ee xisbiga Ford Kenya maadaama uu ahaa agaasimaha guddiga doorashooyinka.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi , hoggaamiyaha xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa iyo barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa iyagana u tacsiyadeeyay qoyska , ehellada iyo asxaabta xildhibaankii hore ee deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma.
Murunga oo xalay geeriyooday xilli lagu daaweynayay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ayaa xildhibaan ahaa intii u dhexeysay sanadkii 2013-kii ilaa 2017-kii wuxuuna xilligaasi xubin ka ahaa xisbiga Ford Kenya.
Waxaa uu beddelay Eseli Simiyu oo mudanaha Kimilili ahaa 2007-dii ilaa 2013-kii.