Dowladda oo ballan qaadday xallinta shaqaaqooyinka jinsiyadeed

0
382

Dowladda dhexe ayaa wacad ku martay in ay joogteyn doonto dadaallada looga hor tagaya shaqaaqooyinka jinsiyadeed ee (GBV) oo ay ka mid yihiin dilalka loo gaysto haweenka ee ka dhaca gudaha waddanka.
Waxaa sidatan sheegtay xoghayaha wasaaradda jinsiyadda ee dalka Anne Wang’ombe.
Sidoo kale , waxay carrabka ku adkeysay in la xaqiijin doono in ay cadaalad helaan dhibbanayaasha tacaddiga jinsiyadeed.
Xoghayaha ayaa tilmaantay in muwaadin kasta uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu noolaado iyadoo aan la eegayn jinsiyadiisa.
Arrintan ayay ka sheegtay shir jaraa’id oo ay wada qabteen iyada iyo agaasimaha waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da Aamiin Maxamad.
Madaxa DCI-da ayaa dhankiisa xusay in dilalka dhaca ay yihiin falal dambiyeedyo balse ujeedadoodu aynan ahayn in si gaar ah loogu bartilmaameedsado dumarka keliya.
Wang’ombe ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorrisay in ay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka jira hareerahooda oo ay ciidamada ammaanka ku wargeliyaan falal dambiyeedyada.
Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Eliud Lagat ayaa xusay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay uu adeegga qaran ee booliiska ee NPS diiwaangeliyay 27 kiis oo ah haween iyo gabdho si ulakac ah loo dilay.