LSK oo maxkamdda sare ku dhaliishay go’aankii ay sharci ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee 2023

0
446

Madaxa ururka qareennada dalka LSK, Faith Odhiambo ayaa dhaliishay go’aankii maxkamadda sare ee ay shalay sharci ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in go’aanka maxkamadda uu iska indho tiray arrinta ku saabsan walaaca kenyaanka ee ah in si weyn looga qaybgelin xeerkan.
Waxay ku doodday in hababka sharci dejinta uusan ka gudbi karin danta guud.
Faith Odhiambo ayaa xustay in go’aanka maxkamadda uu ku soo aadayo xilli Kenyaanka ah ay aad uga xun yihiin in si weyn looga qaybgelin go’aanada ay gaaraan xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxay ku baaqday in mustaqbalka la soo saaro xukunno dhammaystiran si wax looga qabto daldaloolada ka jira ka qaybgalka dadweynaha.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ay laashay go’aankii ay maxkamadda racfaanka ay sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Waxaa go’aankan soo saaray toddobada garsoore ee maxkamadda sare ee Supreme Court.
Garsoorayaasha ayaa sheegay inuusan jirin sharci maamulaya ka qaybgalka dadweynaaha
Waxaa garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa dalka oo ay hoggaamineyso madaxa cadaaladda ee waddanka Martha Koome ay sheegeen in ka qaybgalka dadweynaha ee xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore si sharci ah loo maray.
Tani ayaa waxay guul weyn u tahay maamulka madaxweyne William Ruto, iyadoo kenyaanka ay bixin doonaan canshuur dheeraad ah.