Nin faraxumeeyay gabadh ay xaaskiisa dhashay oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
472

Maxkamad ku taalla degmada Hola ee ismaamulka Tana River ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday nin lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadh uu adeer u yahay oo 9 sano jir ah, islamarkaana ay dhashay xaaskiisa.
Waxaa xukunkan soo saaray garsooraha maxkamadda degmada Hola, Maxamad Komora Saciid.
Waaxda dacwad oogidda oo uu matalaya Michuki Alfred ayaa soo bandhigtay marqaati gaaraya 6.
Falkan ayuu gaystay 14-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2022-kii.
Waxaa maxkamadda loo sheegay inuu falkan gabadha kula kacay xilli ay hooyada dhashay guriga ay ka maqnayd.
Hooyada dhashay dhibbanaha ayaa sheegtay in markii ay dib ugu laabatay guriga ay xilligaasi la kulantay gabadha yar oo oynaysa, islamarkaana dharkii ay xirnayd uu dhiig ka muuqday.