Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa kenyaanka ka codsatay in ay gacan ka gaystaan sidii loo soo xiri lahaa Collins Jumaisi Khalusha.
Eedeysanaya ayaa 20-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan isaga iyo 12 qof oo kale ay ka baxsadeen saldhigga booliiska ee Gigiri ee magaalada Nairobi oo ay ku xirnaayeen.
DCI-da ayaa shakhsigan ku tilmaantay eedeysane la doon-doonaya ama la raadinaya.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dilay 42 haween ah oo meydadkooda laga helay goobta qashin-qubka ee Kware ee ismaamulka Nairobi.
DCI-da ayaa bayaankeeda ku sheegtay in cidii haysa macluumaad la isku halleyn karo oo suurtagelinaya in la soo xiro tuhmanaha baxsadka ah la siinaya abaal marin lacageed oo aysan cadadeeda shaacinin.
Waxaa xogtan loo gudbin karaa saldhigga booliiska ee kugu dhow ama in aad wacdo nambarrada tooska ee kala ah 911, 999, 112 ama 0800722203.
Eedeysanaha ayaa ka soo jeedaa tuulada Shiru oo hoos tagto deegaanka Hamisi ee ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka.