Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha uga digay siyaasadda ku saleysan kala qaybinta shacabka.
Xilli uu ismaamulka Uasin Gishu uga qayb galay munaasabad kaniiseed ayuu William Ruto madaxda ku boorriyay in ay xaqiijiyaan ka shaqeynta midnimada kenyaanka.
Waxaa uu hoggaamiyaasha xusuusiyey in loo soo doortay ilaalinta danaha dadweynaha ee aan qofka mas’uulka ah loogu codeyn inuu jagada si shakhsi ah uga macaasho ama uu magac ku yeesho.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa oo kaashanaya baarlamaanka uu ku dadaali doono xallinta caqabadaha ku gadaaman geeddisocodka loogu wareegaya sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHIF).
Waxaa uu ammaanay nidaamkan cusub oo uu xusay in bukaannada looga daaweyn doono xanuunno dheeraad ah sida kansarka iyo dhiig karka.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda hannaanka cusub ee caafimaadka bulshada ay iska diiwaangeliyeen ku dhawaad 13 milyan oo qof.
Sidoo kale , madaxweynaha ayaa shaaciyay in dib u eegis lagu sameynaya hannaanka maalgelinta tacliinta sare ee dalka kadib walaacii xoogganaa ee ay kenyaanka ka muujiyeen.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshaha dowladda uu yahay in arday kasta uu fursad u helo waxbarashada jaamacadda mise machadyada farsamada iyadoo aan lagu takoorin awoodda dhaqaale ee qoyska uu ka soo jeedo.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale dalbaday in la xaqiijiyo in dhammaan 1450-ka deegaannada hoose ee dalka laga hirgeliyo xarumaha ay dhallinyarada ka heli karaan shaqooyinka dhijitaalka ah.