Boniface Mwangi oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ayaa lagu soo warramayaa in la xiray.
Mwangi ayay saraakiil booliis ah saaka ka kaxeeyeen gurigiisa oo ku yaalla Lukenya oo ka tirsan ismaamulka Makueni.
Waxaa uu haatan ku xiran yahay saldhigga booliiska ee Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Booliiska ayaa sheegay in Boniface Mwangi loo xiray eedeymo la xiriira hurinta rabshado.
Boniface Mwangi ayaa ka hor inta aan la xiran ku hanjabay inuu dhallinyaro abaabuli doono si ay u carqaladeeyaan tartanka orodka ee Standard Chartered Marathon oo waddooyinka qaar ee caasimadda Nairobi lagu qabanaya.