DCI-da oo shaacisay in si rasmi loo aqoonsaday eedeysanaha ugu weyn ee dilkii haweenka soomaaliyeed ee Nairobi

0
578

Dambi baarayaasha qaabilsan dhacdooyinka la xiriira dilalka ayaa shacabka u soo bandhigay sawirka tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii arxaan darrada ahaa ee 24-kii bishan magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay habaryar ahayd kuwaas oo meydadkooda laga soo helay xaafadaha Parklands, Bahati iyo magaalada Machakos.
Bayaan ay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da maanta soo saartay ayay ku soo bandhigtay sawirka Haashim Daqane Muxumed oo 24 sano jir ah, kaas oo la rumeysan yahay inuu waday gaarigii loo adeegsaday afduubka iyo dilka hooyada iyo labada gabdhood.
DCI-da ayaa sheegtay in gaari uu watay Haashim Muxumed islamarkaana kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ay qabatay isagoo dhibbanayaasha ka qaadaya gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii kadibna meydadkooda la helay saacado ka dib.
Eedeysanaha ayaa watay gaari noociisa yahay Nissan Note oo ay taarikadiisu tahay KDQ 718Y kaas oo loo adeegsaday afduubka iyo dilka ayaa laga soo helay suuqa Ukulima ama Markiti ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku dartay in haatan hal eedeysane uu xiran yahay islamarkaana la sheegay inay gacan ka gaysan doonto baaritaannada.
DCI-da ayaa ka codsatay xubnaha bulshada inay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada eedeysanaha.
Waxaa ay xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto Haashim Daqane Muxumed oo lagu raadjooga in ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203 ama ay ku wargeliyaan saldhigga booliiska ee ugu dhow.