Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa duqeeyay lix dhismo oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa duqeymahaasi ku dhintay ugu yaraan 45 qof.
Militeriga Israa’iil ayaa sidoo kale duqeymo dhanka cirka ah ka gaystay duleedka koonfureed ee magaalada Beirut ee dalka Lubnaan.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa weerarrada militari ee ay weli Israa’iil ka wado gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 42,847 ruux iyadoo la dhaawacay 100,544 kale.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa u tacsiyeeyay afar askari oo lagu dilay weerarkii shalay ee Israa’iil.