DHAGEYSO:Moses Wetangula iyo Kimani Ichung’wah oo Gachagua ku eedeeyeen inuu yahay hoggaamiye qabiil

0
250

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha qaran ee xeer dejinta Kimani Ichung’wah iyo siyaasiyiin kale ayaa madaxweyne ku xigeenkii dhawaan xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ku eedeeyeen inuu dalka ku faafiyay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid qabyaaladeed.
Madaxdan ayaa si maldahan u sheegay in Prof. Kithure Kindiki oo uu dhawaan madaxweynaha dalka u magacaabay ku xigeenkiisa in la dhaarin doona toddobaadka dambe.
Waxaa ay intaasi ku dareen in Gachagua uu madaxweynaha dalka kala shaqeyn waayay qorshaha horumarineed ee dowladda taas oo horseeday in xilka laga xayuubiyo.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay wali maxkamadda sare ka socota dhageysiga dacwadda uu Gachagua uga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay.