In ka badan 50 qof oo lagu dilay Suudaan

0
248

Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof oo shacab ah lagu dilay gobolka Gezira ee dalka Suudaan.
Kumannaan qof oo kale ayaa halkaasi ku barakacay.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada sida militariga u tababaran ee dalka Suudaan ee RSF ay gobolkaasi ka gaysteen weerarro maalmo socday.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in hal maalin gudaheeda ugu yaraan 50 qof lagu dilay gobolkaasi.
Dhanka kale, shabakad xarunteeda ay tahay dalka Suudaan ayaa ku warrantay in ilaa hadda werarradii dhacay ay ku dhinteen 124 qof halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.