Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi oo maanta ka qayb galay aaska meydadka gabdhihii dhawaan la dilay ayaa dowladda ugu baaqay in ay sare u qaaddo amniga xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in ay is dejiyaan oo ay ka war sugaan laamaha ammaanka oo baaritaano ku haya dhacdadaasi.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku baaqay in ciidamada dheeraadka ah ee xaafadda la keenaya aynan dhibaatooyin u gaysan dadweynaha.
Waxaa sidoo kale aaskaasi ka qayb galay safiirka Soomaaliya ku matalo Kenya Ambasadoor Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in tallaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadeen ciidamada ammaanka ay yihiin kuwo dhiirrigelinaya balse ay doonayaan in ay cadaalad helaan qoyskii ay ka baxeen haweeneyda iyo labada gabdhood ee la dilay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay ilaa iyo hadda wareysteen ilaa afar qof oo dhacdadaasi lala xiriirinaya. Sidoo kale qof looga shakiyay inuu yahay eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkaasi gaystay ayaa lagu xiray Dhoobley in kastoo markii dambe la siidaayay ka dib markii lagu waayay wax caddeymo ah.