Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay xasuuqa Israa’iil ka wada dhulka Falastiiniyiinta

0
478

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Soomaaliya, Balaal Maxamad Cusman, ayaa aaladda fogaan aragga ka qayb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn.
Fadhigan ayaa looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan Magaalada Qudus oo ay ku jiraan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah.
Mudane Balaal Cusman oo matalayey Soomaaliya ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka ku sheegay in maadaama kulankaan deg-deg ah ee heer Wasiir ee aan caadi aheyn ay codsadeen Dowladda Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.
Soomaaliya waxay cambaareysay xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka dadka Falastiiniyiinta ee shacabka ah.
Soomaaliya waxay ugu baaqday bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ee Israa’iil dhibta ku hayso.
Dowladda Soomaaliya ayaa Hoosta ka xariiqday in dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah ay yihiin tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxayna ku baaqday in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee Caalamiga iyo soo Celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan Cibaadooyinka diiniga ah.
Wuxuu wasiirka sidoo kale sheega in Soomaaliya ay xaqiijineysaa u hogaamsananta Hindisaha Nabadda Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee Caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.
Soomaaliya waxay dalbatay boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku Nool magaalada Qudus, sidoo kale waxay ugu baaqayaan caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu Cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo Sameynta dowlad madaxbanaan,oo Caasimadeedu ay tahay Magaalada Al-Quds Al-Sharif.
Gabagabadii, waxay dowlada Soomaaliya sheegtay inay cusbooneysiinayaan go’aankooda ah inay sameeyaan dadaal kasta si ay ugu adeegaan sababaha dalalkooda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Balaal Maxamed Cusman ayaa shucuubta Carbeed u rajeeyay inay ku guulaystaan u adeegida danta ugu fiican qarankood iyotaageerad dadaaladooda si ay uga gudbaan xaaladaha gaarka ah ee ummaddaha Carabta la soo dersaya isgpp Eebbe Kaalmo iyo Ilaalinba weydiistay.