Adeegga qaran ee booliiska oo sheegay in meydkii laga helay harada Lake Yahuud ee Wajeer uusan ahayn wakiilka Deella

0
561

Adeegga qaran ee booliiska dalka ee (NPS) ayaa baayaan uu soo saaray ku sheegay in meydkii dhawaan laga soo helay harada Lake Yahuud ee magaalada Wajeer uusan ahayn wakiilka la waayay ee laga soo doortay deegaanka hoose ee Deella ee deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas Yuusuf Xuseen.
NPS ayaa intaasi ku dartay in Dr. Johansen Oduor oo dowladda u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka uu sheegay in meydka la helay uu qabay dhaawac culus oo dhanka madaxa ah.
Baaritaanno ay iska kaashadeen Dr. Johansen Oduor, dhakhtarka qoyska wakiilka Deella, Dr. Daniel Zuriel iyo machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI ayaa lagu ogaaday in natiijooyinka baaritaanadii caafimaad ee lagu sameeyay hooyada Yuusuf Xuseen ee hiddadasidaha DNA-ka uu muujinaya inaysan isku mid ahayn.
NPS ayaa sheegtay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sii wadayaan baaritaannada ku aadan maqnaanshaha wakiilka deegaanka hoose ee Deella.
13-kii bishii hore ayay ahayd markii Yuusuf Xuseen laga afduubtay deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi.