Madaxweynaha dalka oo la kulmay madaxa fulinta ee bangiga ugu weyn Maraykanka oo dhawaan xafiis ka furtay Kenya

0
439

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta la kulmay Jamie Dimon, oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta bangiga JPMorgan Chase, oo ah kan ugu weyn waddanka Maraykanka.
Bangigan oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa dhawaan xarun ka furtay Kenya.
Kulanka madaxweynaha dalka iyo madaxa fulinta ee bangiga JPMorgan Chase ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada waddanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa, wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi, guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka (CBK) Kamau Thugge iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Meg Whitman.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay tahay meel soo jiidasho u leh ganacsiga iyo maalgashiga islamarkaana ay awood u leedahay inay noqoto xarunta maaliyadeed ee bangiga JP Morgan ee Bariga Afrika.
Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii bangiga dhexe ee waddanka ee CBK uu ku dhawaaqay in ay bangiga ugu weyn Maraykanka ee JPMorgan loo oggolaaday inuu xafiis ka furto Kenya.