Shaqaalaha dowladda oo meesha ka saaray shaqo joojintii qorsheysnayd

0
367

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka laabtay shaqo joojin u qorsheysnayd.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta ururkan ay la kulmeen wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi dhigiisa shaqaalaha Dr. Alfred Mutua iyo wasiirradda caafimaadka ee dalka Dr. Debra Mulongo Barasa.
Waxaa lagu heshiiyay in ururkan uu ka tanaasula tallaabada shaqo joojinta.
Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka cabanayay caymiska cusub ee maamulka caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxay wasiirrada ururkan u xaqiijiyeen in sidoo kale ugu dambeyn dhawaan la dhaqangelin doono wajiga labaad ee heshiis gorgortan ku saleysnaa oo horay loola saxiixday ururka kaasi oo mushaaraadka loogu kordhinaya shaqaalaha dowladda.