Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa madaafiic ku garaacay magaala xeebeedka Suur ee galbeedka dalka Lubnaan.
Ururka Xisbullah ee waddanka Lubnaan ayaa dhankooda sheegay in ay madaafiic ku garaaceen magaalada Tel Aviv ee caasimadda dalka Israa’iil
Wakaaladda wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warrantay in duqeyn kale oo ay ciidamada Israa’iil ku beegsadeen magaalada Macrakah lagu dilay saddex qof.
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay gantaallo dhowr ah ku rideen Israa’iil, kuwaas oo ay ku jireen labo madfac oo sababay in seeriga digniinta madaafiicda laga dhawaajiyo magaalada Tel Aviv.
Militeriga Israa’iil ayaa laga soo xigtay in afar madfac oo soo galay hawadeeda labo ka mid ah laga hortegay, halka midka kalena uu ku dhacay dhul furan.
Lama soo sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay gantaallada ku dhacay Israa’iil.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa shalay xaqiijisay in Israa’iil ay duqeyn ku dishay Hashim Seyfuddiin, oo aad loo filayay in uu noqon lahaa ninki beddeli lahaa hoggaamiyihi hore ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, kaas oo ay Israa’iil khaarijisay toddobaadyo ka hor.