Madaxweyna ku xigeenkii dalka ee dhawaan xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ayaa shalay iska xaadirinin xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da sida uu qorshuhu ahaa.
Waaxda DCI-da ayaa dooneysa in mas’uulkan ay su’aallo ka waydiiso sheegasho la xiriirta in labo mar oo uu ku sugnaa ismaamullada Nyeri iyo Kisumu la isku dayay in cunto loogu talagalay la sumeeyo si looga takhaluso.
Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa warqad uu 21-kii bishan soo saaray ku amray in Gachagua uu shalay oo Talaado ahayd tago xarunta dhexe ee waaxdan oo ku taalla agagaarka waddada Kiambu Road ee ismaamulka Nairobi, si su’aallo loo weydiiyo.
DCI-da ayaa eedeymaha Gachagua ku tilmaantay mid aan la fududaysan karin, iyada oo la eegayo culayska ay leedahay arrintan.
20-kii bishan ayay ahayd markii Gachagua xilli uu isbitaalka ka soo baxay islamarkaana warbaahinta la hadlay uu sheegay arrinkan oo ku aadan in la isku dayay in naftiisa halis la geliyo.
Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ka dib uu warbixin u gudbiyay adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS isagoo codsaday in laga wareejiyo ciidamadii la shaqeynayay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu naftiisa u cabsaday.