Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay madaxweyne ku xigeenkii dalka ee dhawaan xilka laga qaaday Rigathi Gachagua.
Waxaa su’aallo laga weydiin doona sheegasho la xiriirta in labo mar oo uu ku sugnaa ismaamullada Nyeri iyo Kisumu la isku dayay in cunto loogu talagalay la sumeeyo si looga takhaluso.
Gachagua ayaa arrintaasi ku eedeyay hay’ado amni oo ka tirsan dowladda.
Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa warqad uu xalay soo saaray ku amray in Gachagua uu maanta tago xarunta dhexe ee waaxdan oo ku taalla agagaarka waddada Kiambu Road ee ismaamulka Nairobi, si su’aallo loo weydiiyo.
DCI-da ayaa eedeymaha Gachagua ku tilmaantay mid aan la fududaysan karin, iyada oo la eegayo culayska ay leedahay arrintan.
Waxaa bayaanka DCI-da ku cad in su’aalaha la doonaya la weydiiyo Gachagua ay fududaneyso in baaritaan degdeg ah oo qotodheer lagu sameeyo arrintan.
20-kii bishan ayay ahayd markii Gachagua xilli uu isbitaalka ka soo baxay islamarkaana warbaahinta la hadlay uu sheegay in labo mar la isku dayay in cunto loogu talagalay la sumeeyo si looga takhaluso.
Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ka dib uu warbixin u gudbiyay adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS isagoo codsaday in laga wareejiyo ciidamadii la shaqeynayay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu naftiisa u cabsaday.
Waxaa uu intaasi ku daray in naftiisa ay halis ku jirto islamarkaana uu badqabkiisa u cabsi qabo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filayo in maxkamadda sare ay maanta billowdo dhageysiga sharcinimada xil ka qaadista Gachagua.