Dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii Gachagua oo la dhageysan doono berri

0
274

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo ay soo magacawday madaxa waaxda cadaaladda dalka Martha Koome ayaa berri eegi doono dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay Rigathi Gachagua taasi oo uu ayiday aqalka sare.
Guddiga garsoorayaasha ee la soo magacaabay ayaa ka kooban xaakinnada kala ah Eric Ogola, Anthony Mrima iyo Dr. Mugambi.
Jimcihii ayay ahayd markii garsoore Chacha Mwita uu hakiyay amarkii aqalka sare uu xilka uga qaaday madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Sidoo kale , waxay maxkamaddu hor istaagtay magacaabidii Prof. Kithure Kindiki ee xilka madaxweyne ku xigeenka waddanka iyo qorshihii dhaarinta.